Search
Search
close
Menu
close
Minnesota Housing Logo

Barnaamijka Amaahda Guri IIbsadayaasha ah Jiilka Koowaad

Boggan waxaa laga soo turjumay Ingiriis si loogu fududeeyo dadka leh aqoon afka Ingiriisiga ee xadidan. Waxaan isku dayeynaa inaan bixino turjumado sax ah, laakiin waxaa jiri kara kala duwanaansho yar. Haddii ay jirto kala duwanaansho u dhaxeysa nooca Ingiriisiga iyo nooca kale ee luqad kale, nooca Ingiriisiga ayaa ah midka rasmiga ah.

This webpage was translated from English as a convenience to people with limited English skills. We try to provide accurate translations, but slight differences may exist. If there is a difference between the English version and a version in another language, the English version is the official one.

Caawinta Lacagta Hoos-u-dhigista Ilaa $35,000. Wax Ka Qabo Hadda!

Barnaamijka Amaahda Iibsashada Guriga ee Jiilka Koowaad ee Minnesota Housing waa amaah loogu talagalay hoos-u-dhigis iyo kharashaadka xiritaanka ee guriga iibsadayaasha jiilka koowaad. Barnaamijku wuxuu bixiyaa amaahyo ilaa $35,000.

Barnaamijku wuxuu leeyahay maalgelin qiyaastii 1,500 amaah-qaataha u qalma taas oo ku salaysan qofka hor yimaada ayaa hor helaya. Barnaamijku wuu sii socon doonaa ilaa lacagaha ay ka dhammaanayaan.

Yaa ah iibsadaha guriga ee jiilka koowaad?

Waxaad u qalmi kartaa inaad noqoto guriga iibsade ah jiilka koowaad, adiga iyo waalidkaaga ama qofka mas'uul sharci kaa ah:

  • Waligaa maadan lahaan guriga aad degan tihiin (degmo kasta
    AMA
  • Waxaad lahaan jirtay guri laakiin waa lagaa saaray sababtoo ah Xaraash

Haddii aadan ogeyn in waalidkaaga ama mas'uulkaaga sharciga kka ah uu lahaan jiray guri ama lumiyay sababtoo Xaraashid darteed, weli waxaad u qalmi kartaa  barnaamijkan.

Waa maxay amaahda iibsadaha guriga ee jiilka koowaad?

Amaahda iibsadaha guriga ee jiilka koowaad waa amaah ribo la’aan ah oo la cafin karo. Kala bar amaahda waxaa la cafinayaa 10 sano ka dib, inta soo hartay 20 sano ka dib. Si aad ugu qalanto cafinta, waa inaad ku degenaataa guriga ilaa taariikhda cafinta iyo inaad buuxiso dhammaan shuruudaha qoraalka.

Amaahda Iibsashada Guriga ee Jiilka Koowaad wuxuu noqdaa mid isla markiiba si buuxda loo gudayo marka guriga ay dadka kale oo anan amaahda la siinin ay degaan, ee miilkiilu guriga usan guriga deganeyn ama haddii guriga la gado  ama dib u maalgeliiyo guriga. Shuruudaha u-qalmitaanka waxaa ka mid ah awoodaka dakhliga, tan ugu yar ee dhibcaha dhaqaale iyo dhammaystirka koorsada waxbarashada ee iibsashada guriga.

Waa inaad haysataa Amaahda Bilowga Guryaha si aad u iibsato gurigaaga oo aad u isticmaasho Barnaamijka Amaahda Iibsashada Guriga ee Jiilka Koowaad. Waxaad u isticmaali kartaa amaahda kharashaad kala duwan, oo ay ku jiraan lacagta hoos u dhigistaa iyo kharashaadka xiritaanka.

Waxaa kale oo laga yaabaa ina barnaamijkan lagu qaban karo mid ka mid ah barnaamijyada hoos-u-dhigista amaahda iyo kharashaadka xiritaanka ee caadiga ah. Haddii aad u qalanto, waxaad u qalmaysaa ilaa $53,000 oo ah amaahyo loogu talagalay caawinta lacta hoos u dhigista iyo kharashaadka xiritaanka.

Diyaar ma u tahay inaad Bilowdo?

Raadi amaah-bixiye ka qaybgalaya. Shabakaddeena amaah-bixiyeyaasha waxay ka jawaabi karaan su’aalaha ku saabsan Barnaamijka Amaahda Iibsashada Guriga ee Jiilka Koowaad iyo shuruudihiisa u-qalmitaanka.

Hubi inaad u sheegto amaah-bixiyaha inaad xiiseyneyso Barnaamijka Amaahda Iibsashada Guriga ee Jiilka Koowaad ee Minnesota Housing.

Ma u baahan tahay waqti dheeri ah si aad u diyaariso?

Inaad is diyaariso si aad u iibsato guri maha wax deg-deg ah.

Waxaad qaadan kartaa koorsada waxbarashada iibsashada guriga ama la hadli kartaa lataliyaha guryaha. Booqo boggayaga waxbarashada iibsashada guriga si aad wax badan uga barato maanta!

Marka loo fiiriyo  xiriirta barnaamijyada amaahda Waaxda Qoyska, Minnesota Housing ma sameyso mana abaabusho amaahda. Ma aha uuburaha amaahda mana aha amaah-bixiye, mana la xiriiro amaah-bixiye kasta. Shuruudaha wax kala iibsiga maaliyadeed ee la xiriira barnaamijyadan, oo ay ku jiraan macluumaadka muhiimka ah sida khidmadaha amaahda, boqolkiiba sanadlaha ah (APR), shuruudaha dib-u-bixinta, shaacinta, iyo waxyaabaha kale ee looga baahan yahay in la siiyo macaamilka waa mas'uuliyadda amaah-bixiyaha.

Lacagaha la helikaro


Laga bilaabo Oktoobar 21, 2024

Shaxda deenta waxay muujineysaa boqolkiiba lacagaha Amaahda Iibsashada Guriga ee Jiilka Koowaad ee la isticmaalayo (la ballanqaaday). Tan waxaa la cusbooneysii doonaa toddobaad walba.